Wararka
Xubno Cusub oo kamid noqday golaha wasirada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdi-casis Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Qamiis laha ah ee golaha wasiirada Koonfur Galbeed.
kulanka oo ka qabsoomay xarunta Kumeel Gaarka ah ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah laguna dhaariyey xubno cusub oo kamid noqday Golaha wasiirada ee dhowaan madaxweynaha uu magacaabay.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdi-casis Xassan Maxamed Lafta gareen ayaa xubnaha cusub ee kamid noqday Golaha wasiirada kula dar daarmay in ay si dhaqsi ah u gutaan waajibka loo igmaday si daacadna ugu shaqeeyaan shacabka Koonfur Galbeed.