Wararka
XUBNAHA MAAMULKA DOORASHADA EE HEER DOWLAD GOBOLEED HIRSHABELE OO DOORTAY SHIR GUDOON CUSUB.

Xubnaha Guddiga maamulka doorashada ee heer dowlad goboleed Hirshabele ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku doortay shir gudoon cusub.
Xilka jagada Gudoomiyaha Guddiga waxa ku tartamay Axmed Hassan Diini iyo Aamino Cabdulaahi Cusmaan.
Natiijadii codadkii lakala helay ayaa u dhignaa sidan:
Axmed Hassan Diini waxa uu helay 10 cod, Halka marwo Aamino Cabdilaahi Cusmaan ay heshay 1 cod halka sidaas darteet Axmed Xassan Diini ayaa noqday gudoomiyaha Guddiga maamulka Doorashada ee heer dowlad goboleed Hirshabele.
Intaa ka dib waxa la gudo galay doorashada gudoomiye ku xigeenka Guddiga maamulka Doorashada ee heer dowlad goboleed Hirshabele.
waxa isku soo taagay jagadaas Gudoomiye ku xigeenka Marwo Xaliima Maxamed Cusmaan , ma jirin qof kale oo la tartamay waxayna heshay 11 cod.




