Wararka
Xogta qiimeynta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland qaybta Dakhliga oo lasoo bandhigay Khabiir lagu magacaabo Clement Opare, oo ah lataliye caalami ah oo loo qaatay sidii uu ugala shaqayn lahaa Wasaaradda Maaliyadda ka caawinta dib u habaynta shaqaalaha iyo baahiyaha aqooneed ay u baahan yihiin shaqaalaha dakhliga, ayaa muddo 4 bilood ah waxa uu ku sameeyay qiimeyn ku saabsan shaqaalaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana uu xusey waxyaalo badan oo horumar ah iyo waxyaale kale oo uu ku tala bixiyay in hab kale loo qabto.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland Xassan Shire Cabdi ayaa soo dhaweeyay Qiimeyn ballaaran oo uu muddo afar bilood ah sameeyay Khabiir lagu magacaabo Clement Opare, oo ah lataliye caalami ah oo loo qaatay sidii uu ugala shaqayn lahaa Wasaaradda Maaliyadda ka caawinta dib u habaynta shaqaalaha iyo baahiyaha aqooneed ay u baahan yihiin shaqaalaha dakhliga.
Qabiirka oo sameeyay qiimeynta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda qaybta Dakhliga ayaa so jeediyay meela ay wasaaradda ku wanaagsanyihiin shaqaalaha iyo meela kale oo ay ku hooseeyaan loona baahan yahay in kor u qaadis lagu sameeyo.
Meelaha uu ku ammaanay Shaqaalaha waxaa ka mid ah in aqoontooda ama shahaadooyinka waxbarasho ay heystaan ay tahay mid wanaagsan sida in ay heystaan heerarka Bachelor degree 46%, Certifcate17%, Diploma 19%, Masters degree 9%, sidoo kale waxa uu sheegey in 62% ay dhalinyaro yihiin oo da’doodu u dhaxayso 25-34, shaqaalaha ayuu sheegay in 36% ay shaqada Wasaaradda joogeen 5 sano iyo kabadan, 45% waxa ay shaqada Wasaaradda joogeen 2-5 sano inta u dhaxeysa.
Waxyaalaha uu sida gaarka ah kula taliyay shaqaalaha Wasaaradda waxaa ka mid ah in loo wada shaqeeyo koox-hawleed ee aysan cidna oran waxayga ama wixiina ee si isku mid ah loo wada shaqeeyo iyada oo la fiirinayo horumarka Wasaaradda.
Waxa kaloo uu ku tala bixiyay in mar kasta shaqaalaha la dhiiri gasho oo la siiyo abaal-marino, dharka shaqaalaha iyo gaadiid ay ku soo shaqo tagaan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Cabdi, ayaa masuuliyiinta Wasaraadda oo ay ugu horeeyaan Wasiir kuxigeenada, Agaasimaha Guud iyo Agaasime kuxigeenka Dakhliga kula dardaarmay in dhammaan waxyaalaha uu khabiirkan soo jeediyay loo badalo ficil ahaan, waxaana uu ballan qaaday in dhankiisa wax kasta oo dhankiisa ku xiran uu diyaar la yahay.