Wararka
Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen oo xilkii iska casishay.
Trump oo markiiba bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in xilka ay banaysay haweenayday uu buuxiin doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin Mcaleenan.
Waxa ay haweenaydan mas’uul ka ahayd hirgalinta qorshaha gidaarka iyo kan ka hortagista dadka soogalootiga ah, gaar ahaan in la kala sooco carruurta iyo waalidkooda muhaajiriinta ah.
Ma aysan sheegin wax sabab ah oo ay xilka u banaysay, balse waxa ay sheegtay in ay tahay waqtigii ugu haboonaa ee an xilka ka degto marka la barbardhigo kolkii ay maamulka ku biireysay.
Madaxweyne Trump ayaa ku hanjabay in uu xiri doono xudduuda Mexico, balse hadalkaas waa uu ka laabtay, wuxuuna sheegay in dowladda Mexico uu siin doono muddo sannad ah si ay u joojiyaan daroogada iyo muhaajiriinta soo gudbaya.