Wararka
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay ergey ka socda Midowga Afrika.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat.
Danjire Abdoulaye Diop, ayaa shalay soo gaaray caasimada Mugdisho isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” waxaa uuna ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle .
Intii uu kulanka socday ayaa waxaa ay labada masuul kawada hadlay arrimaha siyaasadda iyo sidiii ay labadha dhinac u wada shaqeyn lahayeen.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa; Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.