Wararka
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Shiinaha ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Qin Jian.
Kulanka ayaa loogawada hadlay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal iyo qaabkii lagu horumarin lahaa xariirkaas.
Xoghayaha Joogtada, oo uu wehliyay Safiirka Shiinaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda Asia ayaa waxa ay kormeer ku sameeyeen dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo dayactir ballaaran iyo qalabayn lagu wado safaradda iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe 26-kii January, 1991.