Wararka
Xisbiga Mucaradka ah ee Waddani Oo Sheegay inay Somaliland Qaaday Dhabihii Burbuurka.

Xisbiga mucaaradka Wadani ee soomaaliland oo shir jaara’id ku qabtay magaaladda Hargeys ayay kaga hadleen qodobo dhowr oo quseeya xaaladaha Somaliland.
Xisbigu waxa uu ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu isticmaalo xeerkii dowladii dhexe ee dalka ee uu hogaaminayey allaha u naxariistee madaxweyne maxamed siyaad bare.
Xog hayaha xisbiga Wadani Qadar Xuseen Cabdi ayaa warbaahinat u aqriyay qodobada uu soo saaray xisbiga wadani.
“Xeerarka aan isticmaalno ee ii no shaqeeyo waa xerarkii lasameeyay 1976-kii ee markii danbana xukunkii kaligiis taliska ahaa ee siyad bare uu wax kabadalis kusameeyay 1974-kii.”
“Dulmigu magacyo makala lahan, shalay haddii siyaad barre lagu diidanaa inuu dulmi sameynaayo,haddii lagu diidanaa inuu eex samaynaayo,haddii lagu diidanaa inuu qabyalad sameynaayo,haddii lagu diidanaa inuu dad si gaar ah u eeganaayo manta intaba wadankayna ayay ka jirtaa”