Wararka

Xisbiga madaxweyne rajab dayib erdogan oo ku guuldareystay doorashadi ka dhacay magaalada Ankara.

Xisbiga madaxweyne Rajab Erdogan ayaa ku guuldaraystay doorashooyinka dowladda hoose ee magaalada caasimadda ah ee Ankara, halkaas oo uu ku guuleystay xisbiga mucaaradka ugu weyn CHP.

Xisbiga Erdogan iyo kan mucaaradka ayaa sidoo kale labaduba sheegtay in ay ku guuleystay maamulka magaalada ugu weyn ee Istanbul.

Hase ahaatee xisbiga AKP ee Erdogan ayaa la sheegay in 51% uu heley codadka.

Doorashooyinkan ayaa yimid xilli ay dalkaasi ka jirto dhibaato dhaqaale oo soo food saartay.

57 milyan oo qof ayaa isu diiwaangaliyay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka dowladaha hoose oo lasoo dooranayo duqeyda magaalooyinka iyo xubnaha goleyaasha deegaanka.

Xisbiga AKP waxaa u sharaxnaa Ra’isulwasaarihii hore ee dalkaa Binali Yildirim.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close