Wararka

Xisbiga Himilo Qaran oo sheegay in ay dacwad ka gudbiyeen  dowlada Soomaaliya.

Xisbiga Himilo Qaran oo kamid ah xisbiyada dalka ayaa sheegay in ay dacwad ka dhan ah dowlada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo u  gudbiyeen Maxkamadda sare ee dalka Kadib Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen caasimada dalka.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah Xukuumadda ay u gudbiyeen Maxkamadda sare oo ku saabsan tallaabadii dhowaan lagu xayiray hoggaamiyaha xisbiga ahaana madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close