Wararka
Xisbiga Haldoor oo war saxaafadeed kasoo saaray xayiraaddii Sh. Sharif iyo arrimihii doorashooyinka Jubbaland.
Xisbiga Haldoor ayaa caawo war saxaafadeed kasoo saaray doorashooyinka Juballand, go’aanada lagu rogay duulimaadyada Kismaayo iyo dhacdadii shalay ee qabsatay diyaaradii qaadi lahayd sheikh shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Xisbiga ayaa sheegay in markii ay u kuur galeen doorashooyinka Juballand, oo ay waraysteen musharaxiin rabay in ay u tartamaan doorashada madaxtinimada Jubbaland kuwaas oo sheegay in la saaray sharciga iga looga reebaayay doorashada ay u caddaatay in doorashadii ka dhacday magaalada Kismayo aysan aheen mid loo dhan yahay.
Xisbiga oo ilaa 8 qodob soo saaray ayaa taageerayaasha madaxweynihii hore ee dalka ka codsaday in ay ilaiyaan sharciga dalka wakhtina lasiiiyo madaxda dalka si u gutaan shaqadooda.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka: