Wararka
Xisbiga ANC oo ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka dalka Konfur Afrika.
Xisbiga talada taahye ee dalka Koonfur Afrika ANC ayaa markiisi lixaad oo isku xigta ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka ee ka dhacday dalkaas.
Wuxuuna heley 57.5 wadarta guud ee cododkii ladhiibtay sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka ee Koonfur Afrika.
Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalka Koonfur Afrika ee loo soo gaabiyo DA ayaa helay 20.77% cododkii ladhiibtay, waxaa uuna ku guulaysat 84 kursi waxaana ku xigay xisbaiga EFF oo isna helay 44 kursi.
Xisbiga ANC oo uu hoggaamiya madaxweynaha haatan talada haaye ee Cyril Ramaphosa, ayaa lumiyay codad aad u badan marka loo eego doorashooyinkii hore oo uu guula ka soo hooyay, xisbiga ANC ayaa doorashadii hore ee dhacday 2014 ku guulaystay 62% codadkii la dhiibtay halka sanadkii 2004 uu helay 69% cododkii la dhiibtay.
Xisbiga ANC ayaa cadaadis xoog leh kala kulmay xisbiyada mucaaradka ah ee ka aragti duwan waxaana dalka Koonfur Afrika ka taagan dhaqaala xumi iyo shaqa la’aan haysa dhalinyarada ku nool dalkaas.
230 kuraas ayuu helay xisbiga ANC wadarta guud ee baarlamaanka dalka koonfur Africa oo ah 400 oo kuraas,tan ayaana madaxweyne Ramaphosa u ah fursad uu ku rumayn kara balanqaad yadiisi aha in uu wax ka baddeli doona xaalada dalka Koonfur Afrika ku suguntahy.