Wararka
Xilibaanada golaha shacabka oo maanta ansaxiyey hin- diso sharciyedyo dhowr ah.

Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 31-aad ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/01/2020 uu Golaha Shacabka ku yeeshay xarunta Golaha, kaasoo Ajendahiisu ahaa u codeynta Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka iyo u Codeynta Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka iyo Akhrinta 3-Aad ee hindise sharciyeedka Jaan-goynta iyo Tayo dhowrka Soomaaliyeed.
kulanka waxaa Shir-guddoominaayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa soo jeediyey Xog-hayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan.
Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa u codeeyay Wax-ka bedelka Sharciga iibka Qaranka waxaa u codeysay 141 Xildhibaan sidoo kale waxaa ay golaha ansixiyeen Wax-ka bedelka Sharciga Furdooyinka Waxaana u codeysay 141 Xildhibaan.
Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa wada ogol uga codeeyay Ansaxinta sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-Dhawrka sida uu ku dhawaaqey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey.