Wararka
Xildhibaanada Golaha wikiilada Puntland oo fasax galay.
Xildhibaanada Golaha wikiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ku yeeshay fadhigoodii 24-aad ee Kalfadhiga 44-aad kaas oo gaba gaba u ahaa kalfadhiga 44-aad oo soo bilaamay 15-06-2019.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa Golaha uga mahadceliyey sidii xilkasnimada lahayd oo ay u guteen shaqooyinkii Dastuuriga ahaa mudadii uu socday kalfadhiga 44-aad.
Sidoo kale guddoomiye Cabdixakiin Maxamed Axmed oo soo xiray kalafadhiga 44-aad ayaa ku dhawaaqay in golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland ay gali doonaan fasax ayna isu soo noqon doonaan 25-10-2019.