Wararka

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland oo Xassaanadii xildhibaannimo ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxiixan yihiin 38 mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Dowlad Goboleedkaasi Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedkaasi Puntland uu ka aamusay.

Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed) oo ahaa Guddoomiyihii hore ee dowlad Goboleedkaasi Puntland ayaa sidaan oo kale waxaa looga qaaday xilkii Guddoomiyenimo waxaa uuna iskaaga tagay Magaalada Garowe oo saldhig u ah Baarlamaanka dowlad goboleedkaasi Puntland.Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close