Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Meelmariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada  Muqdisho ee caasimada dalka.

Kullanka maanta waxaa soo xaadiray 141 xildhibaan waxaana shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka maanta ay yeesheen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ahaa aqrinta 3-aad hindise sharciyeedka maareynta maaliyadda oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijadii kasoo baxday cod lagiliyay ansixinta sharciga maareynta maaliyadda waxaa uuna sheegay in sharcigaan ay u codeeyeen 135 xildhibaan,waxaa diiday lix xildhibaan halka cid ka aamustay aysan jirin waxaa uuna sheegay in sharcigaas uu sidaasi ansax ku yahay.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close