Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kalsoonida kala laabtay Golaha wasiirada.

Xildhibaanada Golaha shacabka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in ay codkii kalsoonida kala laabteen golaha Xukuumada federaalka Soomaaliye ee uu hoggaamiyo Ra’isal wasaare Khayre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Amb. Mohamed Mursi Sheeq Abdiraxmaan ayaa shaaciyay in Madaxweynaha dalka looga fadhiyo in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacabo Ra’iisal wasaaraha Cusub.

“madaxweyne Farmaajo waa in uu si dag dag ah usoo magacaabaa Reysal wasaare Cusub kheyre kalsoonidii wey kala laabteen Xildhibaanadiiye” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Gudoomiyaha Baarlamanka:- madaxweyne Farmaajo waa in uu si dag dag ah usoo magacaabaa Reysal wasaare Cusub kheyre kalsoonidii wey kala laabteen Xildhibaanadiiye.

Posted by TUSMO TV on Saturday, 25 July 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close