Wararka

Xildhibaanada golaha Shacabka oo ka soo hor jeystay Ajandaha kulanka maanta.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka soo hor jeystay Ajandaha kulan ay isugu yimaadeen oo ahaa “Galmo”.

Qaar kamid ah Xildhibaanada oo kulanka ka hadlay ayaa siyaabo isku dhaw u diiday Ajandaha waxaa ayna sheegeen in agandahaani uu ka soo hor jeedo Diinta Islaamka iyo dhaqanka Suuban ee Soomaalida.

Xildhibaan Dalxa oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka ayaa si aad ah u dhaliilay Ajandaha kulanka waxaa uuna yiri “”anaga waxa ay Diinteena noo sheegin oo ka imaaday dad kale oo bilaa xidaa diin in ay yihiin laga yaabe in lasoo qaato oo anaga oo ah dad muslim ah oo ashahaato Mudane Gudoomiye nooma cuntanto”

Sidoo kale Xildhibaan Ca/llahi Sh.Ismaaciil ayaa Isna sharaf daro ku tilmaamay haddii ay ka doodaan xildhibaanada Ajandahaan “Gudoomiye Ilaaheey aan ka baqno kan waa Bulaacad sharci ma ahan,Baarlamaanka ayaa maanta ka doodaya ajando Galmo dhaawac weyn ayey ku noqoneysaa” ayuu yiri Xildhibaan Ca/llahi Sh.Ismaaciil.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close