Wararka

Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiisk caalamiga ah ee dadka naafada ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 15aad ee Kalfadhiga 5aad waxaana soo xaadiray 145 xildhibaan.

Kullanka oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibrahim Muudeey ayaa waxaa uu Ajandaha kullanka ahaa u codeynta Heshiiska Caalamiga ah ee Naafada, kaasoo ay dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabkan ayaa sidoo kale ka doodaya warbixin ku saabsan khasaarihii loo geystay shirkadaha Hormuud iyo Somtel kuwaas oo qaar kamida xarumahoodi kuyaalay Jubbooyinka iyo Gedo ay bur-buriyeen ciidamada Kenya iyo Akhrinta labaad ee wax ka bedelka sharciga Saxaafadda.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibrahim Muudeey Oo soo xiray kullanka ayaa ku dhawaaqay najiijadii kasoo baxday ansixinta shirciga caalamiga ah ee dadka naafada ah waxaa uuna sheegay in 144 xilibaan ay ogolaatay heshiiskaas, hal xilibaan ayaa ka aamusay halka wax diiday asyan jirin.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close