Wararka
Xildhibaanada Galmudug oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Magaalada Muqdisho uga furmay Tababar kusaabsan dardargelinta howlaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad oo kahadlay furitaankii Tababarka Dardargalinta howlaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Gudoonka Baarlamaanka iyo Hay’ada UNDP ay soo qabanqaabiyeen aqoon is-weydaarsiga.
Ujeedka kulankaas ayaa ahaa kor uqaadida howlaha ay u hayaan Bulshada Galmudug Xildhibaanadu. doo kale tababarka waxaa qeyb ka ah howl wadeenada Baarlamaanka Dowlad Galmudug.