Wararka

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo kulankoodii maanta ku ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ayaa maanta yeshay kulankoodi caadiga ahaa waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.

Ajandayaasha kulanka oo ay kamid ahaayeen ayaa Ansixinta Hindise-Sharciyeedka Golayaasha Deegaanka Dowladaha Hoose iyo Falanqeynta Hannaanka Doorashada Labada Aqal ee Federaalka iyo Kaalinta Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa lagu ansixiyay Sharciga Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose.

Waxaa u codeeyay 48 Xildhibaan, waxaa diiday 3 Xildhibaan waxaana ka aamusay, 1mudane, sidaas ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.

Sharcigaan Golayaasha Deegaanka Dawladaha Hoose ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaarada arimaha Gudaha iyo Dowldaha hoose, iyadoo Baarlamaanka usoo gudbisay kadib markii ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha Gudaha iyo iyo Dowlaha hoose Axmed Cusmaan (qooje) ayaa umahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug isaga oo sheegay in sharcigaan sida uu yahay ay ugu hogaansami doonaan.Image may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 8 people, people sitting and indoorImage may contain: 8 people, people sitting and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close