Wararka

Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Soomaaliland oo sheegay in uu ka laabtay Go’aan uu ugu socdaali rabay Kismaayo.

Xilibaan Naasir Cali Shire oo kamid ah golaha wakiilada Soomaaliland oo maanta shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Bar-bara waxaa uu kaga hadlay abaabul maalmahaan dambe uu ka waday deegaanada Soomaaliland, abaabulkaasi oo la xiriiray ka qeyb galka caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayuu sheegay in uu ka laabtay Go’aan uu dhawaan gaaray oo ahaa in uu tagi doono magaalada kismaayo si uu qeyb uga Noqdo ka qeyb galiyaasha Caleema saarka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoowe.

Masuulkaan ka tirsan golaha wakiilada Soomaaliland ayaa baaqashadiisa sabab uga dhigay kadib markii Bulshada ku Nool deegaanada Maamulka Soomaaliland ay ka codsadeen in uusan ka Qeyb galin Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubland oo lagu wado in ay dhawaan ka qabsoonto Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa hadda kusugan siyaasiyiin iyo xildhibaanno katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka  Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay Magaaladaasi u joogaan sidii ay ugu qayb qaadan lahayeen caleema saarka madaxweynaha Jubbaland oo doorashadiisa muran badan ka taagantahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close