Wararka

Xildhibaan Daahir Jeesow  “Walaalayaallow masuuliyiin qaran baadtihiin . sharafta dalkaad qayb ka leedihiin, Tahreeb ha galina sharci darrana ha u galina tahriib”

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa ka hadlay go’aan uu sheegay in ay damac sanyihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya kaas oo ah in ay rabaan in ay u duulaan dalka Kenya ka dibna ay halkaasi diyaarad Nooca qumaatiga u kaca kaga raacan si ay ugu qayb galaan xaflada caleema saarka madaxweynaha Jubbaland ee dowlada federaalka  ku gacan saartay.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo ugu horeen la dardaarmay madaxweynihii hore dalka Xassan Sheeq Maxamuud ayaa sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay doonaysa in ay dhisto dowlad Goboleedka Jubbaland oo loo dhanyahay taas oo uu ku sheegay in xiligiisi (Xasan Sheeq Maxamuud) uu cadaadis iyo handidaad  badan kala kulmaayay madaxweyne Axmed Madoobe.

“waxan leeyahay madaxweyne Xassan Sheeq Maxamuud marka aan si gaar ah ula hadlo, madaxweyne markaad shalay madaxweynaha aheyd waxaad awoodi kari waysay oo joojinkari waysay ayaan maanta rabnaa inaan joojino oo aan saxno. Shalay waxaad joojin kari waysay in dadkaan ay xaquuqdoodi helaan, in Jubba loo dhanyahay la dhiso, waxaa laguugu hanjabaayay waad ogtahay Liyuu Boolis oo konton kun gaaraayo oo maalin walbo xadka soo talaabaayay ee rabay in ay madaxtooyada kugu yimaadiin cabsi aad ka qabto awgeed ayaad wax walbo u ogolaatay ” ayuu yiri  Xildhibaan Daahir Jeesow.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sidoo kale waxaa uu madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ugu digay shirarka jaraa’id ee ay qabaniyaan waxaa uuna sheegay in Soomaalida dhamaantood ay indhaha ku hayso shirarka ay qabtaan waxaa uu sidoo kale kaga digay in ay taageeraan madaxweyne Axmed Madoobe oo uu sheegay in uu u’l u yahay dowlada Kenya.

“haddaad Kenya taageeraysaan si bareer ah u taageer adigaa dacwadeeda (badda) Maxkadamada gaysaye qalad inaad u gaysay qiro saxaafadda isugu yeer, haddii kale Kenya hannoogu qabanina Axmed Madoobe rabto inay nagu qaraacde ka leexda” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Xildhibaan Daahir Jeesow  ayaa hadalkiisa kuso xiray “Walaalayaallow masuuliyiin qaran baadtihiin . sharafta dalkaad qayb ka leedihiin, Tahreeb ha galinna sharci darrana ha u galinna tahriib”

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close