Wararka
Xiisad colaadeed oo kasoo cusboonaatay deegano hoos taga Degmada Balanballe iyo ciidamada Xogga oo kala dhexgalay beelihii dirirta dhexmartay.
xiisad colaadeed oo kasoo cosboonaatay degaanno hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa qaboojiyay Ciidamada qalabka sida ee kusugan deeganadaasi kuwaas oo isugu jira ciidamada xogga dalka qeybta 21-aad iyo NISA.
Ciidamada ayaa ugu horeen waxaa ay gaareen deeganada Oodaale iyo Xersi Lugeey waxaa ayna la kulmeen Odayaasha iyo wax garadka kasoo kala jeeda degaannadaasi iyagoo u sheegay in aan la oggoleyn in ay halkaasi ka dhacdo dirir sokeeye Dhiig dambana uu ku daato macna darro.
Odayaasha iyo waxgaradka degaannadaasi ayaa soo dhoweeyay Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamineysaba, waxanay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in Dowladdu ay ka howl-gasho halkaasi, si xal loogu helo dilalka macna darrada ah, waxaa ayna dhinacooda ballan qaadeen in ay xoojinayaan nabad gelyada guud.