Wararka
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kormeer ku tagay xabsiga weyn ee Garoowe.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir oo wali ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyo xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxmuud Xasan Aw-Cusmaan ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Asluubta Puntland iyo xabsiga weyn ee Garoowe, halkaas oo uu kula kulmay maxaabiis u xiran arrimo burcad-badeednimo, kuwaa oo laga soo celiyey xabsiyada Dalka Seychelles.
Dr. Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliyeed ayaa markii uu gaaray Saldhiga Asluubta Puntland waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey saraakiisha ciidamada iyagoona warbixin ka siiyey sida ay ula dhaqmaan maxaabiista.
kormeerka markuu soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta faah faahino ka siiyey xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxmuud Xasan Aw-Cusmaan.