Wararka
Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Jubbaland oo ciidamada dowlad goboleedkaasi Ku amray in aysan ku lug yeelan arrimaha Siiyaasada.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray awaamiir Cusub kuwaas oo dhamaan ciidamada dowlad Goboleedkaasi lagu amray in ay fuliyaan.
Awaamiirta kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa kamid ahaa in ciidamada ay ka maaxbanaanadaan siyaasada doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland, in ay ka madaxbanaanadaan qabyaalada iyo qabiilaysiga.
Sidoo ciidamada waxaa lagu amray in ay ilaaliyaan Dastuurka dowlad Goboleedka Jubbanaland iyo in ay ilaaliyaan anshaxa iyo kaladanbaynta.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland.