Wararka
Xasan Shiiq Maxmuud oo ka hadlay dib udhac ku yimid dhageysiga kiiska Badda Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiiq Maxmuud oo Goordhaw warbaahinta shir jiraa’id uga qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kuluul uga hadlay Dib udhac ku yimid Dhageysiga Kiiska Badda Soomaaliya.
Xasan Shiiq Maxmuud ayaa sheegay sababaha keenay in markale dib loo dhigo, maadaama labo jeer oo horey ah ay maxkamada aduunka Dib udhigtay kiiskaan.
Dowlada Soomaaliya ayuu ku dhaliilay in ay bedashay 3 shakhsi ee Gacanta ku haayey Giiska Badda Qeybta Soomaaliya, iyadoo Dowlada aysan shaacin cidii bedashay Ragaasi.
Sidoo kale Xasan Shiiq Maxmuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa marmarsiiyo kutilmaamay in Covid-19 tartiisa dib looga dhigo dhageysiga maxkamada, Dowlada Soomaaliyana ay qeyb katahay dib udhacaasi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan shiiq maxmuud ayaa uga dambeyntii shegay in 4 sano kadib Qadiyada Badda Soomaaliya ay halkeedii taagantahay taasina ay muujinayso cabsida Dowlada kujirto, ayna caqabad u horseedeyso Dowlada Bedali Doonta.