Wararka
Xarunta tababarka macalimiinta Jubbaland oo laga dhagax dhigay Magaalada Kismayo.
Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Hay,adda ARC ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay xarun cusub oo loogu tala galay Dugsiga Tababarka Macalimiinta Jubbaland.
Masuuliyiinta kasocotay wasaaradda waxbarashada Jubbaland ayaa sheegay in Dugsiga tababarka Macalimiinta Jubbaland uu horey ugu sii shaqeynayay Iskuulka Badar ayna dhawaan ka qalin jabin doona macalimiin kor u dhaafayso 100 macalin.
Dhagax dhigga xaruntaan cusub waxaa goob joog ka ahaa madaxa tayenta Waxbarashada Wasaaradda iyo madaxa maamulka Maaliyadda shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Mowliid Cabdiqaadir Darwiish.