Wararka
Xagee ayuu ka baxay Kim Jong Un?

Waxaa shaki ku jiro xaalada caafimaad ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Kuryada Waqooyi Kim Jong Un kadib markii laga waayay muuqaalkiisa tiifiiga dowladaasi maalmihi ugu danbeeyay.
Shakiga ah in uu geeriyooday Kim Jong Un ayaa yimid kadib markii uu kasoo qayb gali waayay xaflada dhalashada aabihiis oo la xusi jiray sanad kasto 15 ka Bisha April.
Agaasimaha xarunta dhexe ee barashada Kuryada Waqooyi Cheong Seong-chang ayaa wargayska New York Times u sheegay in hoggaamiyaha Kuryada Waqooyi Kim Jong Un ugu danbaysay aragtidiisa shir uu ka qayb galay 11 kii bishaan April.
Agaasimaha ayaa sidoo sheegay in cabsida laga qabo in Kim uu geeriyoday ay timid kadib markii ay warbaahinta dalkaasi si aad ah isla dhexmaraysay hal qabsashada “KIMJONGUNDEAD” oo micnahedu tahay “GeeridaKIMJONGUN”.
Maalinimadii Isniinta Wargayska maalinlaha ah ee Daily NK ee kasoo warama arrimaha Kuuryada Waqooyi ayaa daabacay waraysi uu la yeeshay ruux magaciisay ay qariyeen oo u xaqiijiyay in 12 kii bishaan April uu qaliin caafimaad galay Kim.
Shaqsigaan ayaa sheegay in Kim Jong Un uu qaliinka ku galay Isbitaal ku yaallo magaalada Hyangsan oo dhanka Waqooyi kaga began caasimada Pyongyang waxaa uuna intaasi sii raaciyay in xaalada caafimaad ee hoggaamiyaha Kuryada Waqooyi ay soo roonaanaysay.
Qubura dhanka caafimaadka ayaa sheegay in Kim uu ahaa ruux si xad dhaaf ah u isticmaali jiray Sagaarka taasna ay suurta galini karto in uu sababsado xanuuna dhanka neef mareenada iyo in uu gallo Qaliin caafimaad.