Wararka

Xaflada caleemasaarka iyo dhaarinta madaxweyne Cyril Ramaphosa oo gaba-gaba marayso.

Waxaa maanta magaalada caasimada ee Pretoria lagu qabtay xaflad lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika kaas oo sanad ka hor xilka madaxweyne kala wareegay madaxweynihii hore ee is casilay ee Jacob Zuma.

Xaflada caleemasaarka ayaa waxaa ay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Loftus Versfeld, 32000 oo shacabka reer Koonfur Afrika ayaa maanta ka qayb-galaayo xaflada caleemasaarka iyo dhaarinta ee madaxweyne Cyril Ramaphosa.

Waxaa xafladaan kasoo qayb-galay in kabadan 4500 oo marti ah oo bulshada qaybaheeda kala duwan ah waxaa ayna iskuugu jiraan xubna Baarlamaan, Garsoorrayaal,wasiirro, wasiirro ku-xiggeeno iyo meeyara.

Munaasabadaan caleemasaarka ah iyo dhaarinta madaxweynaha Koonfur Afrika waxaa daadihiya ka ah afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Qaranka(Koonfur Afrika) Baleka Mbete iyo xoghayaha guud ee xisbiga ANC Jessie Duarte.

guddoomiyaha Caddaaladda Koonfur Afrika Mogoeng Mogoeng, ayaa madaxweyne Ramaphosa u dhaariyay in uu noqda madaxweynaha dalka Koonfur Afrika afarta sanno ee soosocota.

Munaasabada madaxweynaha waxaa ka qayb ahaa ciidamada cirka ee dalka Koonfur Afrika kuwaas oo dhoolatus ku sameeyay hawada sare ee goobta ay xaflada ka socota, diyaaradaha qumaatiga u kaca ee looyaqaano (helicopters ) ayaana dul heebaabaayey garoonka ay xaflada caleemasaarka ka socotay sidoo kale guuta kamida ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa dhankooda dhuulatus cajiib ah soo badhigay.

Madaxweyne Ramaphosa oo munaasabada dhaarinta kadib qudbad ka jeediyay goobta ayaa sheegay in koonfur Afrika ay u baahantahay ficil balse aysan u baahneed hadal waxaa uuna balan qaaday in u xal u keeni doona dhibaatoynka ka jira dalkiisa.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close