Wararka

Xaflad Isdhex-galka Shacbka dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara.

Munaasabad lagu qabtay Magaalada Ankara ee caasimada dalka turkiga taas oo ku saabasaneed Isdhex-galka Bulshada labada dal ayaa waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Labada Dal, Ganacsato, Dhaqaatiir, Cuqaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay dhammaantood ka muuqato bogaadin iyo in ay ku faraxsan yihiin is dhexgalkooda.

Safiirka Soomaaliya u jooda Turkiga, Danjire Jaamac C/llaahi Caydiid, ayaa sheegay in Dowladda Turkiga tahay dowlada ugu dhaw Soomaaliya xiriir ballaaranna uu ka dhexeeyo Labada dhinac, waxaa uu intaas ku daray in dowlada Turkiga ay Soamaaliya ku Soo kordhisay Ganacsiga Furfuran kaas oo dadbadan fursad dhaqaale siinaayo.

Xildhibaan, Axmed Macallin Fiqi, oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Garab istaagtay Soomaaliya waxaa uuna labada shacab kula dardaarmay in ay adkeeyaan xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya.

Dowlada Turkiga ayaa kamid ah dowladaha garab siiya dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee la daallo dhacaayo dhibaatiiyinka dhaqaale waxaa ayna dowlada turkiga Soomaaliya la soo qaadatay waqtigii ugu adkaa oo dalka ay ka jirtay macluul aad u darneed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close