Wararka

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka iyo Boolis Soomaaliyeed oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta Qaranka iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan fadhiyada ku lug leh baarista dembiyada kala duwan ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka waxaana kulanka kasoo qayb galay hay’addaha hay’adaha caalami ah oo garab siiya Boliiska iyo xeer ilaalinta.

Kulankaan ay yeesheen Xafiiska Xeer-Ilaalinta Qaranka iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay toosinta wadashaqeynta labada heyadood taasoo qeyb ka ah dib-u-habeynta.

Taliye Ku-xigeenka ciidanka Soomaaliyeed Gen. Zakia Xussen ayaa ka warbixisay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi waxaa ayna sheegtay in Booliska iyo xeer Ilaalinta ay yihiin halka silsilada cadaaladu ka bilaabato.

“Shir manta ay iskugu imadeen Xafiiska Xeer-Ilaalinta Qaranka iyo Ciidanka Boliiska Somaliyeed gaar ahaan fadhiyada ku lug leh baarista dembiyada kala duwan ayaa looga hadlay toosinta wadashaqeynta labada heyadood taasoo qeyb ka ah dib-u-habeynta. ciidanka boliiska iyo xeer ilaalinta oo ah halka silsilada cadaaladu ka bilaabato waxaana shirkaas ka soo qeybgalay heyadaha caalami ah oo garab siiya boliiska iyo xeer ilaalinta” ayay tiri Gen. Zakia Xussen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close