Wararka

Xafiiska Duqa Magaalada muqdisho oo soo saaray sharciya digniin loogu diray Shacabka Muqdisho.

Xafiiska Duqa Magaalada muqdisho waxaa manta laga soo saaray sharciya  digniin loogu dirayo Shacabka Muqdisho in ay ka dhowrsadaan in ay si sharci darro ah u istecmaalaan Bulaacadaha Magaalada Muqdisho iyo In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal.

Hoos ka aqrisa sharciyadaa oo kala ah:      

1- In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka kasoo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo istecmaalo mid gaar ahaaneed.

2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.

Waxaa intaas la raaciyay in Cidii xeerarkaan fulin weyda laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.Image may contain: 2 people, people standingImage may contain: 4 people, people standingImage may contain: 1 person, beard and glassesImage may contain: 2 people, people standing

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close