Wararka
Wefdigii ka Socday dowladda Eriteriya oo maanta si heer sara ah Hargaysa looga sagootiyay.
Wefdigii ka Socday dowladda Eriteriya ee Maalmahan ku Sugnaa Magalada Hargeysa ee Somaliland ayaa Maanta laga sii sagootiyey Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Wefdiga ayaa waxaa Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed,waxaana sii sagootiyey Xubno Wasiiro ah oo uu hor ka cayay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland.
Labadii maalmood ee la soo dahafay oo ay ku sugnaayeen Hargeysa ayaa waxaa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Soomaaliland iyo kuxigeenkiisa,waxaana Madaxtooyada Soomaaliland ay shaacisay inay iksu-afgarteen in xiriir wanaagsan ay yeeshaan.