Wararka
Weerarra is-daba joog ah oo ka dhacay dalka Maraykanka.
Booliska gobolka Ohio ayaa sheegay in ay baaritaan ka wadaan degmada Dayton ee gobolkaasi hoostimaado taas oo ay ka dhaceen dil wadareed.
Weerarkaan ayaa imaanaayo 24 saac kadib weerar hore oo isna si wadareed ugu dhacay magadala El Paso kaas oo ay ugu yaraan ku dhinteen 20 ruux halka tira intaa kabadana uu dhaawac kasoo garay weerarkaas.
Sidoo kale asbuuc ka hor ayaa nin waxaa uu rasaas ku furay dad xalfad dabaal dag ah ku lahaa gobolka California halkaas oo uu ku dilay 3-ruux oo laba kamid ah ay ahaayeen caruur.
Booliska degmada Dayton ayaa waxaa ay shacabka goobtaas ku dhaw ku war galiyeen in ay ka dheeraadaan meeshaas ayna feejignaan dheeri ah qabaan ilaa goobta amaankeeda dib loogu soo celinaayo.
Weerarkaan ayaa ka dhigan weerarkii 251 kaas oo si wadareed ah loogu qaaday deeganada dalka Maraykanka sanadkaan 2019-ka.
Sidoo kale weerarkaan waxaa uu ku soo beegmiyaa xili xukuumada Trump ay cadaadis kala kulmaysa xisbiyada mucaaradka dalkaas kuwaas oo dooniya in la meel mariyo sharciga xagameynta hubka dalka Maraykanka.