Wararka

Weerarkii Wasaarada Shaqada Oo Lasoo Afjaray Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradaasi Oo Ku Geeriyooday Weerarka.

Waxa Lasoo Afjarey  weerarkii laguy qaaday  Gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumada Fedralka ah ee Soomaaliya.

Koox Ku  labisan Dareeska Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Ka  koobanaa 4 ilaa 5 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Wasaaradda.

Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa Ku Dhagan Wasaarada Howlaha Guud Iyo Guriyeenta Iyo Sidoo Kale waxaa u dhow Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Wali lama Xaqiijin Khasaaraha Rasmiga ah ee Ka Dhashay Weerarka Balse Dadka ilaa hadda sida rasmiga ah loo xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaas ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla sidoo kalena ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya.

Sida ay Sheegeen Saraakiil Ka tirsan Baabuurta Gargaarka Deg Deg ah Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa tiradooda gaarayo ilaa 11 qof.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka Sida ay Ku Baahiyeen Barahooda Internte-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close