Wararka

Weerar lagu qaaday Masjid ku yaalo Norway.

nin cadaan ah ayaa maanta isku dayay in uu weerar u gaysto masjid ku yaalo dalka Norway xili salaada Ciidul Adxa lagu waday in lagu tukada masjidka.

Sarkgaal u hadlay Booliska Dalka Norway oo layirahdo Rune Skjold ayaa sheegay in wilkaas yar uu ku hubaysaan qori iyo Bistoolad balse xiligii uu tagay Masjidka ayaa waxaa ku jiray seddex ruux oo kaliye taas oo sahashay in wax khasaaro ah uusan ka dhicin Masjidka.

Rune Skjold oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaas sheegay in Booliska ay baaritaano dheeri ah ku hayaan willkaan dibna ay u soo bandhigi doonaan waaf-faahino dhamaysriran.

Sargaalkaan ayaa si aad ah ugu mahadceliyay dadkii shacabka ahaa ee ayaga iska-caabiyay ninkaas kuwaas oo ka hortagay in uu khasaaro meesha ka dhasho.

Afhayeen u hadlay Masjidka al-Noor oo ah goobta weerarka lagu qaaday ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in xiliga uu ninkaan weerarka soo qaadaayay ay aheed xili la’isku diyaarinaayay munaasabada Ciidul Adxada.

Mid kamid ah seddexdii ruux ee masjidka ku jirtay oo layirahdo Mohammad Rafiq, oo 65 sano jir ah oo howl-gab ka noqday ciidamada cirka ee Pakistan ayaa ahaa ruuxi isku duubay ninka rabay in uu qasaaraha ka gaysto Masjidka waxaa uuna sheegay in markii uu garba duub u qabtay wilka uu far isha ka galiyay balse uu ku adkaystay in uusan siideen ilaa ay Boliska ugu imanaayeen.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close