Wararka
Waxaa goor-dhow furmay kulanka 3-aad kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka.
Magaalada Muqdihso ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa gordhaw ka furmay kulanka 3-aad kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominaya kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey.
140 Xildhibaan ayuu kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka ku furmay, Ajendayaasha kulanka waxaa kamid ahaa;
1: akhrinta 2-aad hindisesharciyeedka Nootayada dadweynaha.
2: Qabinta warbixinta guddiga eek u saabsan 4-ta xeer ee dhimeystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.
3: Qabeynta xeerka Hay’adda aan dowliga aheyn.
Guddoomiyaha guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Qaranka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka hor aqriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer ee dhameystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.