Wararka
Wax Badan ka ogoow Guusha ay Soomaaliya ka gaartay Kenya ee Murankii Badda.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo ah hay’adda ugu weyn ee garsoorka xafiiska Qaramada Midoobey, ayaa Xukunkeeda ka soo saarta dacwadaha khuseeya Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya (Soomaaliya v. Kenya) 12ka Oktoobar 2021, oo ka dhacday xarunta Nabadda ee Hague.
Kalfadhigii Maxkamada oo ay shir guddoomisay madaxwaynaha Maxkamadda ICJ garsoore Joan E. Donoghue ayaa lagu laalay eedeyma badan oo ay soo jeedisay Kenya waxaana badda inteeda badan loo xukumaday Shacabka Soomaaliyeed.
Sida ka muuqata Qariiraddaan hoose oo ay soo bandhigtay Maxkamadda, waxaa jirto guul la taaban karo oo ay Soomaaliya ka gaartay dhigeeda Kenya.
Go’aannada Maxkamadda ayaa waxaa kamid ahaa;
1: In aysan jirin wax heshiis ah oo ay labada dhinac horey ka gaareen khilaafka.
2: In Xuduudda halka ay tahay uu raacsan yahay xariiqinta dhulka, balse uu ka yara dadban yahay sida ay Soomaaliya sheegatay.
3: In Maxkamadda diiday sheegashada Kenya ee xariiqinta xuduudda.
Walloow go’aanka Maxkamaddu ay ka muuqatay in aaggii lagu muransanaa badankiisa loo xukumay Soomaaliya Balse qeyb ay gashay dhanka Kenya.
Sidoo kale Garsoore Joan Donoghue ayaa sheegtay in sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay howlgallo ka sameysay aagga la isku haysto aysan maxkamadda eegeynin wixii dhacay ka hor go’aanka maxkamadda.