Wararka

Wasirka Waxbarashada oo Jamacadaha dalka ku yalla kala hadlay tayenta waxbarashada.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullahi Goodax Barre, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa Maanta kullan la qaatay Guddiga Jaamacaddaha dalka,

Kulankaan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray Iskaashiga Horumarinta Waxbarashada dalka, iyo habraacyada ay wasaaradda waxbarashada u qorsheysay oo ah in aysan ardayda ka habsaamin xiliga ay furmayaan jaamacaddaha ayadoo xooga lasaaraayo in natiijadda si dhaqsi ah loosoo saaro.

Sidoo kale wasiir Goodax ayaa kula dardaarmay in jaamacadaha iyo Dalladaha iska garab siiyaan sidii ay waxbarashada kor ugu qaadi lahaayeen, ugu dambeyn waxuu wasiirka uga mahad celiyay jaamacaddaha duruufta adag ay kusoo shaqeyeen xiliga adkaa ee soo maray dalka welina looga baahan yahay in si lamida u garab istaagaan waxbarashada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close