Wararka
Wasirka warfaafinta oo ka hadlay u diyar garowgii ugu danbeeyay ee malmaha xuriyada.
Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta shir jaraa’id oo uu kaga hadlaayey diyaargarowgii loo soo galay xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya ku qabtay xarunta Wasaaradda ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka,oo ka hadlaayey diyaargarowga xusaska todobaadka xoriyadda, waxa uu caddeeyey in dabbaaldegyada sanadkaan ay yihiin kuwo loogu talagalay in dadka Soomaaliyeed lagu tuso waxqabadka dowladda ee sanadihii tagay iyo furitaanka mashruucyo dib u dhis ah oo laga hirgaliyay gudaha dalka.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye , waxa uu qiray in sanadkaan uu yahay sanadkii soo kabashada dalka iyo dadka,sidaa daraadeedna lagu guuleystay horumarinta adeegyada bulshada,soo celinta amniga,helitaanka dugsiyo waxbarasho oo lacag la’an ah,soo celinta awooddii dhinaca arimaha dibadda iyo kuwo kale.
Wasiirka Warfaafinta, waxa uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in si farxad leh ay uga qeybqaataan xuska munaasabadaha maalmaha xoriyadda,isagoo sidoo kale Madaxda Dowlad Goboleedyadana ku dhiirigaliyay in la weyneeyo xusaska todobaadka xoriyadda.