Wararka

Wasirka Cadaaladda oo Guddoomiyay shir looga hadlaayay Xeerarka Sharciga Shaqada .

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka furmay Shirka seddex biloodlaha ah Xeerarka Sharciga Shaqada (Rule of Law working group ) oo ay kasoo qayb galeen dhamaan Hay’adaha Bahda Cadaaladda Heer Federaal iyo Heer Dawlad-goboleed iyo dhinaca kale Deeqbixiyeyaasha taageera Bahda Cadaaladda Soomaaliya iyo Saaxiibada la shaqeeya ee isugu jira Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo kale oo caalami ah.

Shirka waxaa wada shir guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Cadaadda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Safaaradda Netherlands waxaana la joogay Madaxa Midowga Yurub, Madaxa Fulinta UNSOM, Xeer-illaaliyaha Qaran iyo Wasiirka Cadaaladda Koonfur-galbeed.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo wada bandhigay wax qabadkii sanadkaan dhamaanaya iyo hormarka ay ku tilaabsaseen Hay’adaha Bahda Cadaaladda ee Heer Federaal iyo Maamul Gobaleed.Image may contain: 4 people, people sitting, table, screen and indoorImage may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 peopleImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close