Wararka
Wasirka Arimaha Gudaha iyo Wafdi uu horkacayo ayaa gaaray Caasimada Maamulka Galmudug.
Wafdi Uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye Ayaa Goor Dhow Gaaray Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Xarunta Dowlada Goboleedka Galmudug.
Mas’uuliyiin Ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee bulshada ayaa Wasiirka Soo Dhawyan Kooban Ugu Sameeyay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.
Wasiirka ayaa Lagu Wadaa In Magaalada Dhuusa Mareeb Uu kulamo Gaar Gaar ah kula Qaato Madaxda Galmudug,waxeyna ka wada hadli doonaan hirgalinta hanaanka wada shaqayn ee dowlad goboleedka Galmudug iyo dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Arrimaa Dorashooyinka Deegaanda Galmudug.