Wararka
Wasir Warfa oo kulan la qaatay Qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumada federaalka Soomaaliya Sadiq Warfa ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo dalka ku soo celiyay ficilo isbeddel horseedaya.
Wasiirka ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay dalka kusoo gordhiyen ganacsiyo cusub iyagoo dor fir fir coon ka qaateen dib u dhiska dalka.
“Marxaladihii nuglaanta loo sinnaa ee dalka uu ku jiray jaaliyadaha dibadda gaar ahaan jaaliyadda Minnesota waxay ciyaareen door taageero oo looga soo talaabay xaaladdii is badbadalaysay ee Dalka” ayuu yiri Wasir Warfa.