Wararka
Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud Iyo Dib u dhiska XFS oo la kulmay Madaxweyne Xaaf.
Iyadoo ay jiraan dadaalo badan oo lagu dooniyo in lagu soo afmeera khilaafka ka dhexjiro dowlada dhexe iyo dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta Magaalada Cadaado gaaray Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud Iyo Dib u dhiska xukuumada federaalka Soomaliya oo ay wehlinayeen Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo Waxgarad.
wafdiga wasiiru dowlaha ayaa la kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale geelle Xaaf waxaa ayna kawada hadleen sidii la iskuugu soo dhaweyn lahaa shacabka walaalaha ah dago deeganada Galmudug iyo sidii xalwaaro loogu heli lahaa khilaafka soo noq noqday ee u dhaxeeyo xukuumada Galmudug iyo dowlada federalka.
Ra’iisal wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya xassan cali Khayre ayaa dhankiisa kulamo kula qaadanaayo qaar kamida masuuliyiinta galmudug Magaalada Dhuusamareeb kuwaas oo uu kamid yahay madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo hoggaamiyaha Ahlusunna, Macalim Maxamuud Sheekh Xasan.