Wararka
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Sweden.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Staffan Tillander, Safiirka Sweden ee dowlada Federaalka Soomaaliya.
Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa laga wadahadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah, iyo sidoo kale waxaa la isla eeggay xaaladdihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee xiiso gaar ah u leh labada dhinac.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa uga mahadceliyay Sweden taageerradeeda Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed iyadoo ah deeq bixiye caalami ah ee xasilinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.