Wararka
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiiradda Canada.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Marwo Lisa Stadelbauer, Safiirka Idman ee Canada u qaabilsan dowlada Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u rajeeyay Safiiradda cusub ee Canada in ay guul ka gaarto howlaha loo soo wakiishay, waxaa uuna sheegay in uu taageero dhammaystiran la garab joogo oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka si iskaashi dhow looga yeesho dhinacyada kala duwan.