Wararka

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Kulan Soo Dhoweyn ah  u sameeyay wasiirrada Dawlad Gobaleedka Jubbaland ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid wasiirada dawladda federaalka iyo howl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu soo dhaweeyay wasiirrada ka yimid maamul gobaleedka Jubbaland Kuwaa Oo Qeyb Ka aha Wafdiga Madaxweynaha maamulka Jubbaland Oo Muqdisho U Yimid Dhameytirka Heshiiska Dowlada Dhexe Iyo  Maamulka Jubbaland.

Wasiirrada Jubaland ee Kulanka  kasoo qayb galay ayaa aad uga mahadceliyay wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha soo dhawaynta heerkeedu sareeyo, waxa ayna sheegeen in ay soo dhawayntu kaabayso wadashaqeynta iyo isku xirnaanta labada dhinac.

Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud ayaa wasiirrada uu Kulanka  u sameeyay waxa uu kala hadlay dardar-gelinta wada shaqaynta ka dhaxaysa wasiirrada dawlad gobaleedka Jubaland iyo wasiirrada ay wada-shaqayntu kala dhexeyso ee DFS.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close