Wararka

Wasiirku xigeenka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland oo kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf.

Wasiirku xigeenka Maaliyadda dowlad goboleedka Puntland Eng Cumar Xasan Fiqi ayaa kormeer shaqo ku tegay garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo taas oo uu ugu kuur galaayay habka ay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee goobaha dakhlilgu u wadaan shaqadooda.

Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyay Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Ismaacil Cabdinuur geesay iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug.
Xisaabiyaha Gobolka Mudug ayaa xog dheeraad ah Wasiirka ka siiyay halka uu maraayo dakhligu iyo dadaalka ay ku jiraan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Cumar Xasan Fiqi Wasiirku xigeenka Maaliyadda ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxda Wasaaradda Maaliyadda waxana uu siiyay talooyin ku aadan dhanka shaqada.Image may contain: aeroplane, sky and outdoorImage may contain: 3 people, people standing, outdoor and natureImage may contain: aeroplane, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, sky, wedding and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, outdoorImage may contain: one or more people, aeroplane, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close