Wararka
Wasiirka Dastuurka iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo gaaray Dhuusa-mareeb.

Wafdi ballaaran oo kasocda dowlada federaalka oo uu hoggaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ,Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.
Wafdiga wasiirka oo ay qeyb ka yihiin Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator; Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo qaar ka mid ah maamulka.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya iyo xubnaha ku wehliya socdaalkiisa ayaa lagu wadaa in ay wada hadallo ku aaddan dastuurka la qaataan madaxda ugu sarreeysa Galmudug.
Hoos ka dhaawo muuqaalka wafdiga oo dhamaystiran:https://www.facebook.com/TUSMOTV.SO/videos/193528238546767/?t=15http://