Wararka

Wasiirkii Qorshaynta Jubbaland oo xilkii iska casilay.

Wasiirkii wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland Adam Aw- Xirsi ayaa goor dhaw xilka iska casilay isagoo sabab ugu dhigay in maamulka Jubbaland ay hooy siiyeen sida uu sheegay ruux danbiila ah.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twetter-ka ayuu wasiirka waxaa uu sheegay in damiirkiisu uusan siinaynin in uu kasii tirsanaado maamul sida uu ku sheegay ku faraxsan “nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga”.

“Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland.

Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga. Waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego”. ayuu Qoraalkiisa kooban ku yiri Adam Aw- Xirsi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close